Xafladda furitaanka suuqan ayaa waxaa ka soo qeyb galay
qeybaha kala duwan ee bulshada sida Ganacsatada, Culamaa’udiinka
Dhalinyarada iyo Dhamaan waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, iyagoo
halkaas ka sheegay inay ku faraxsan yihiin Furitaanka Suuqa.
Shiikh Maxamuud Aw-Cabdule Cariif ayaa halkaas ugu horayn qudbad ka
jeediyay, isagoo u mahad celiyay dhamaan dhalinyaradii soo abuubashay
xafladaan isla markaana hirgaliyay Suuqaan caalamiga ah.
Gudoomiaha Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa sheegay
in haatan ay Sooomaaliya ay gaartay horumar maadama maanta suuqa la
yiraahdo IIbka.com laga hirgaliayay Internetka, isgoona halkaas ku
muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay.
Sidoo kale Xafladaan ayaa waxaa shahaado sharaf aad u saraysa lagu
gudoonsiyay xubno muhiima oo wax u qabta shacabka Soomaaliyee waxaa ka mid
ah Abshir Nuur faarax (Bacabdle), agaasima ku xigeenka Isbitalka Madiina
Cali (Cadde), Dr C/qaadir C/rixmaan Aadan oo madax ka ah Aamin Voluntary
Hosbital oo shacabka Muqdisho ugu deeqay Ambulance lacag la’aan ah iyo
Cali Maxamed Siyaad (Cali dheere) oo ah Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa
Bakaaraha.
Dhaliyaro uu hor kacayo Agaasimaha Suuqa casriga ah ee Iibka ayaa waxay
lacog Deeq u soo dhiibeen Naafada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku
jira isbitaalka Martiini, kuwaasi oo dhibaato nololeed ay halkaas ku heyso.
Maxamed Xaashi Xirsi oo ah Agaasimaha Suuqan ayaa xafladdii Suuqa lagu
furayay oo ka dhacday magaalada Muqdisho ugu qayb galay Qadka taleefoonka
isagoo ku sugan Caasimadda Britain ee London, waxaana u sheegay in Suuqaan
uu wax ka tari doono ganacsiga Soomaaliyeed sidii loo horumarin lahaa
IIBKA Waa Suuq Internet-ka ku jira oo si Computerized ah aad wax uga
iibsin kartid, wuxuuna yahay mid si weyn loo soo dhaweeyay oo ay durba
macaamiil ka noqdeen Dad badan oo Soomaaliyeed. Suuqaan ayaa ka qeyb
qaadan doona isu keenidda Soomaalida ku kala firirsan Daafaha Caalamka
sida kuwa jooga Ameerika, Yurub , Aasiya iyo Weliba Africa.
“Suuqan wuxuu u adeegi doonaa bulsho-weynta Soomaaliyeed, iyadoo uu
Adeegsan karo qof waliba oo Iska iibinaya ama iibsanaya badeeco, waa suuq
ku yimid Baahida Bulshada, waa suuq u dhashay kana dhashay Bulshada
Dhexdeeda”ayuu yiri Agaasimaha Suuqan Maxamed Xaashi Xirsi.