Arimaha Bulshada

Milkiilaha kooxda PSG Taajirka lagu magacabo Nasser Al Khelaifi ayaa sheegay in aysan jirin wax wada hadal ah oo ay la yeesheen ciyaaryahan Paul Pogba.
Kooxda ah horyaalka iyo hogaamiyayasha Faransiiska ee PSG ayaa si xoogan loola xiriirinayay Ciyaaryahan Paul Pogba kaas oo qadka dhexe ugu ciyaaro naadiga Juventus ee dalka Talyaaniga.

PSG ayaa horey loo sheegay in ay soo bandhigtay lacago u dhaxeeyo 40 ilaa 70 milyan oo Euro oo ay ku doonayaan saxiixa ciyaaryahanka reer France Paul Pogba oo si weyn ay u xiiseenayso.

Madaxa sare kooxda PSG Nasser Al Khelaifi ayaa sheegay in aysan jirin wax wada hadal cusub oo ay la yeesheen ciyaaryahan Paul Pogba islamarkaasna ay yihiin warar aan sal lahayn inaan wada hadal la yeelanay Ciyaaryahankii hore kooxda Man utd Pogba.

“Lama aanan hadlin Paul Pogba mana jirto wada hadal cusub oo aan la yeelanay Ciyaaryahankaas ayuu Nasser Al Khelaifi u sheegay Warbaahinta Sport Mediaset.

Sidoo kale Milkiile Nasser Al Khelaifi ayaa sheegay in Tababare Laurent Blanc uu sii joogayo PSG islamarkaasna aysan jirin saamayn ay ku yeelatay guuldaradii Chelsea Champions League ay kala kulmeen.