Caafimaadka

Kooxaha ka dhisan waqooyga London ee Arsenal iyo Tottenham ayaa lagu soo waramayaa inay bartil maamedsanayan ciyaaryahanka lagu magacaabo M’Baye Niang kaas oo ay doonayan inay lasoo wareegaan marka suuqa kala iibsiga uu furmo bisha June sanadkaan.

Xidigaan M’Baye Niang oo ay Leedahay Ac Milan ayaa wuxuu si amaah ah ugu ciyaarayaa kooxda reer France ee Montpellier kaas oo amaah lix Bilood ah ku qaadatay.

M’Baye Niang waa 19 sanno jir kaas oo kulamo u ciyaaray Ac Milan bilowgii xilligaan isagoo si amaah ah bishi Janaayo loogu wareejiyay kooxda Montpellier.

Weeraryahan M’Baye Niang ayaa u dhaliyay saddex gool kooxda Montpellier isagoo u ciyaaray 14 kulan tan iyo markii uu ku biiray kooxdaas bishi Janaayo.

Wakiilo ka socdo kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa la sheegay inay la kulmeen maamulka Ac Milan islamarkasna ay kala hadleen sida loo heli karo saxiixa M’Baye Niang marka xilligaan uu dhamaado.

Guddoomiyaha kooxda Montpellier oo lagu magacaabo Louis Nicollin ayaa goor hore u digay Ac Milan oo uu ku tilmaamay inay qiimaha lagu heli karo M’Baye Niang ay ka dhigtay mid qaali ah.

Arsenal iyo Tottenham ayaa hogaanka u haayo xiisaha loo qabo weeraryahanka Ac Milan M’Baye Niang.